Maxaa ka Run ah Maleeshiyaad Afka Duubtay oo Lagu Arkay Isbaaradii Hore ee Boosaaso…

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa Maleeshiyaad hubaysan oo Gaadiidka Dadweynaha baaranaya xalay lagu arkay nawaaxiga kontaroolkii hore ee magaalada Boosaas, Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay iney Raashin kala dageen Gadiidka Xamuulka..

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka oo wejiga qarsaday ay baarteen gaadiid kala duwan oo laamiga marayay islamarkaana qaarkood kala dageen raashin iyo Agab kale, iyadoo Xoogag ka tirsan laamaha Amniga magaalada Boosaaso ayaa markii dambe ku baxay goobta waxaana la sheegay in ay halkaasi ka ceyriyeen kooxdii gaadiidka baaranaysay.

Inkastoo aan weli la aqoonsan qeybaha ay ka tirsan yihiib Maleeshiyaadkaasi waxaase la sheegay in ay u carareen dhinaca buuraha oo ay ku dhuumaalaystan kooxaha argagixisada ah, Waayahaan dambe ayaa la sheegay iney aad u soo kordheen isbaarooyinka ay dhiganayaan Xoogaga Amaanka Puntland, Maamulka Mr.Deni syaa ku fashilmay inuu wax ka qabto cabashada Xoogaga Hubeysan.

312600cookie-checkMaxaa ka Run ah Maleeshiyaad Afka Duubtay oo Lagu Arkay Isbaaradii Hore ee Boosaaso…