Sida lagasoo xigtay maamulka degaanka Wisil ee Gobolka Mudug ugu yaraan 20 beerood ayaa dab ka kacay tuulada Maraadheere ku gubtay, waxa uuna sheegay in sidoo kale in dabka uu dilay xoola nool balse ma uusan sheegin tiradooda…..
Guddoomiyaha deegaanka Wisil oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu intaa ku raaciyay in khasaare xooggan uu dabkaasi dhaliyay, iyadoo xiligaasi ay degaanka ka jireen dabeylo xoogan.
Waxa uu Dowlada Federaalka iyo Hey’adaha samafalka ugu baaqay iney kaalmo bani aaddanimo ay la soo gaaraan dadka ay wax-yeellada ay soo gaartay, kuwaasoo horayba ula tiicayay dhaqaala xumo xooggan.
Weli si rasmi ah looma caddeyn waxyaabaha keenay dabkaasi oo saameyn adag u geystay dadka tuuladaasi ku nool.
493500cookie-checkDab Xoogan Oo Baabi’iyay Dhul-Beereed Ku Yaal Gobolka Mudug