Kulankii Xalay Oo Aan Lagu Heshiinin

Somalia news

Waxaa soo dhamaaday kulankii Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee caawa fiidkii soo bilowday, iyadoo laga dooday Qodobada doorashada iyo qaabkii doorasho heshiis lagu yahay u dhici laheyd….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in Doodaha oo ahaa kuwo aad u adag, ayaa la sheegayaa in lagu balamay in shirarka gaar gaarka ay sii socdaan, tan iyo inta la isaga soo dhowaanayo, iyadoo shirka weyn aanu Maanta furmi doonin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu muujinayo inuu xoogaa ka soo dabcay mowqifkisii ahaa qof & cod, isla markaana doonayo in waqti la siiyo, shirarka gaar gaarka ahna sii socdaan inta farsamo ahaan wax la is waafajinayo.

Labada qodob ee la kala taagnaa ee nooca doorashada ayaa weli xal laga gaarin sida qodobka maamul goboleedyada doonayaan ee doorasho dadban iyo qodobka doorashada qof iyo cod ee Madaxweynaha riixayo.

49320cookie-checkKulankii Xalay Oo Aan Lagu Heshiinin