Dhismaha Wadada Afgooye Iyo Muqdisho Oo Dib Loo Bilaabay

Somalia news

Wararka hordhaca ee naga soo gaaraya wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho ayaa sheegaya In Shirkadda Turkiga ee qabdaraaska ku heystay Dhismaha Wadadaasi ay dib u bilaabeen howshii wadada….

Wararka ayaa sheegaya in Shirkadda Turkiga ay Gaadiidkii iyo qalabkii ay dib ugu celiyeen Wadadaasi, sidoo kale Injineerada iyo Shaqaalaha Dhismaha ee isugu jira Turkiga iyo Somali ayaa Shalay lagu arkay Wadadaasi, iyadoo ilaalo ay la socdaan.

Bishii Jenaayo Ee Sanadkaan ayeey Kooxda Shabaabka ay weerar is-miidaamin ah ku qaadeen xarunta Shirkada, iyadoo ku dilay 2-qof Oo laba ka mid ahi ah Turkey Ka Soo jeedaan, waxaana ku dhaawacmay 11-qof Oo 4- ay yihiin Turki. Muddo 6- Bilood ah ayeey howsha ku jirtay Hakad.

Inkastoo Maamulka Farmaajo ay balanqaadeen iney Ilaalinayaan Amaanka Shaqaalaha Dhismaha Wadada, balse tiro Laba jeer ayaa la weeraray Shaqaalaha Wadada Dhisaaya.

49380cookie-checkDhismaha Wadada Afgooye Iyo Muqdisho Oo Dib Loo Bilaabay