Kutlad Xildhilaano & Senataro ah Oo Olole Ugu jiray Jagada Wasiirka 1-aad

Somalia news

Kadib Doorashadii ka dhacday Somalia oo kooxo xulafeysi ah ka farcameen, ayaa waxaa soo shaac baxaaya kutlad Xildhibaanno laga soo doorto degaanada Jubbaland & Puntland oo dhisayay musharrixii guulaysan waayay ee Xasan Cali Khayre ayaa bilaabay in ay Ra’iisul wasaare ka raadiyaan Madaxweynaha cusub…

Kooxdan Xildhibaannada iyo Senatarada ah oo ku fashilmay iney Villa Somalia geeyaan Xasan Cali Khayre ayaa maalmahaan waday olole ay iskugu dayayaan iney la kulmaan Madaxweynaha Xasan Shiikh si ay jagada Ra’iisul wasaare uga helaan.

Wararku waxay sheegayaan in kooxdu aysan ilaa iyo hadda helin fursad ay kula kulmaan Madaxweynaha oo aad ugu mashquulsan kulamo siyaasadeed, waxeyna kulamo la yeesheen Siyaasiyiin & Odayaal reer Mogadishu si mashruucooda uu u yeesho culeys.

189520cookie-checkKutlad Xildhilaano & Senataro ah Oo Olole Ugu jiray Jagada Wasiirka 1-aad