Dhuusa mareeb:- Ha Lagu Kala Tago Ama Muddo Kordhin

Somalia news

Inkastoo ay Wakiilada Beesha Caalamka ay ka maqan yihiin Shirka Dhuusa mareeb-2 haddana dad badan ayaa rumaysan iney u joogaan Wakiilo warbixinada si joogta ah ugu soo gudbiya xaal ku halka uu maraayo, laakiin joogitaanka Mr.Farmaajo ee shirka ma la oran karaa waxaa qayb ahaan xubnaha ugu muhiimsan ee lagu tuhmi karo qaska iyo deggenaansho la’aanta siyaasadda Soomaaliya; USA (Yamamoto) Ethiopia (Abiy Axmed), UK (Ben Fender) Qatar (Xasan Xamza) Qarammada Midoobay (James Swan) iyo AMISOM (Francisco Madeira) ay fadhiyaan shirka…..

Jinniyow ka bax, Malaa’igay ku jir!

Aqoonyahannada u kuur gala xaaladaha siyaasadeed ee Somalia ayaa aaminsan in Mr.Farmaajo uu shirkaas ku yimid talada iyo Cadaadosks Kooxda loogu yeero Beesha Caalamka loogu yeero, waxeyna taageersan yihiin in Madaxweynaha muddo kordhin loo sameeyo, iyadoo og inuusan ka gadmeynin Shacbiga Soomaaliyeed, Xisbiyada Mucaaradka iyo Maamulada Gobolada.

Talaa la gudboon 5ta madax maamul-goboleed:-

Arrimaha shirka ma sahlana, waa laba daran mid dooro; joogitaanka xafiiska ee Mr.Farmaajo iyadoo aysan ciyaar ahayn waxay khatar ku tahay jiritaanka qaranimmada Somalia iyo cabsida laga qabo inuusan si nabad gelyo ah ku wareejin talada dalka sidii isagaba loogu dhiibay.

Waxaa sidoo kale looga baahan yahay Madaxda Maamulada -Goboleedyada inay maanka ku hayaan khataraha iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka soo wajahaya isla markaasna ay la socodsiiyaan dadweynaha, waxaa sidoo kale la gudboon inay talo wada jir ah oo ay ku midaysan yihiin ka gaaraan shirweyne ay dadka Soomaaliyeed isugu yimaadaan oo lagu dhiso Gole samatabixin kara dalka gaarsiiya nidaam doorasho oo laysku raaco oo waqtigeedii ku qabsooma iyo waliba dhismaha gole joogta ah oo la dagaalama musuqmaasuqa iyo faragelinta had iyo jeer ay ku hayaan dalalka shisheeyaha ah nidaamka doorashooyinka Soomaaliya.

49410cookie-checkDhuusa mareeb:- Ha Lagu Kala Tago Ama Muddo Kordhin