Ergo Iyo Odayaal Dhaqmeed Oo La Kulmay Farmaajo

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya Kulamo Xalay iyo habeen hore ka dhacay Madaxtooyada iyo Xarunta NISA, Kulankaasi oo ay wada Yeesheen Mr.Farmaajo iyo Odayaal ka soo jeeda Beelaha Habar gidir oo Tiro Liis Musharixiin wata, kuwaasoo damac uga jiro in Maamulka Fashilmay ee 6-da bilood u harsan tahay muddo xileedkeeda…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u tilmaamtay in Habeen hore iyo Shalay subax ay Kulamo xiriir ah yeesheen tiro Odayaal Oo dhinac ah iyo Mr.Farmaajo, iyo Sidoo Kale Mr.Qorqor, iyadoo looga dooday Qodobo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen:-

-Magacaabista Xubin ka soo jeeda Beelaha Habar gidir ee Jagada Wasiirka 1aad

-Dib u dhigida Shirka Dhuusa mareeb-3

-Hakinta Magacaabista Guddiyada Galmudug

-Hub ka dhig is lagu Sameeyo Tiro Saraakiil oo ay ka mid yihiin Saadiq Joon, Faarax Qaroole. Maxamed Daahir iyo Xubno kale.

Wararka ayaa sheegaya in lagu heshiiyay dhamaan.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Qoor Qoor uu xalay xarunta Nabad-Sugidda kula kulmay taliyaha NISA Fahad Yaasiin, isaga oo kala hadlay Hub ka dhigista. Mr.Qoor Qoor ayaa waxaa kulanka ku wehliyey Kamaal Guutaale, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo xubno kale oo ay isku beel yihiin.

Mr.Qorqor ayaa tiro Musharixiin ah wata oo ay ka mid yihiin Mr.Axmed Cabdisalaan, Mr.Axmed Cali Nuur iyo Kamaal Guutaale, Halka Adeege Fahad uu wato Mr.Cabdikariim Guuleed, Iyadoo Dowlada Ethiopia ay wadato Mr.Guuleed Cabdulqaadir Cartan oo Ka mid ah Madaxda hoose ee IGAD qeybta Degaanka ICPAC, wuxuuna hormuud u ahaa barnaamijka Is-dhex galka Ethiopia Iyo Somalia.

Kukamadaan ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan Iyo Balanqaadyo been, maxaa yeelay Mr.Farmaajo Waxaa u cad muddo kororsi 2-sano ah, Odayaal ayaa ka gaabsaday iney taageeraan muddo kordhinta.

50860cookie-checkErgo Iyo Odayaal Dhaqmeed Oo La Kulmay Farmaajo