Diyaarado Laga Qaaday Xayiraad Lagu Soo Rogay

Somalia news

Maamulka Farmaajo ayaa la sheegay iney Dhaqaale ku ganaaxeen Laba Shirkadood oo ka howlgali jiray Somalia, kadib markii lagu eedeeyay iney ku xadgudbeen Xayiraada Qaadka ee laga Kenya oo la joojiyay, sababo la xiriira Cudurka Coronavirus….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u Xaqiijisay in Wasiirka Duulista Hawada uu xayiraadii ka qaaday Shirkadaha Bas Air iyo Silverstone , kuwaasoo lagu soo eedeeyay iney Qaad Soo geliyeen degaano ka tirsan Gobolada Dalka Gaar ahaan Duleedka Muqdisho,Jowhar, Buuhoodle, Baraawe iyo Dhobley.

Waxaana loogu bedelay 3-Kun Oo US$ ah oo ganaax ah Diyaaradiiba, iyadoo loo fasaxay iney dib uga howl galaan Garoomada Diyaaradaha ee Somalia, Dad badan ayaa la yaabay in Si fudud xayiraada looga qaado Shirkadaha Diyaaradahaan Oo dhowr jeer jebiyay xayiradii ay Soo rogeen Dowlada Federaalka.

50830cookie-checkDiyaarado Laga Qaaday Xayiraad Lagu Soo Rogay