Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Kulamo qarsoodi ah oo u socday Ganacsato Soomaali iyo Mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyada ay ku heshiiyeen in Qaadka laga keeno Magaalada Meru ee Kenya Dib Loo fasaxay….
Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com u sheegay in Guddoomiyaha Beeralayda Qaadka Miraa ee dalka Kenya uu shaaciyey in heshiis laga gaaray qaadkii loo dhoofin jiray Somalia, wuxuuna shir jaraa’id oo uu qabtay ku Gudoomiyaha in 8-da bishan oo ku beegan maalinta Sabtida dib loo fasaxayo Qaadkii la geyn jiray Somalia sida uu qorayo heshiiska.
Qodobada Lagu Heshiiyay:-
-In la kordhiyo Canshuurta laga qaado qaadka Somalia 1-kg ($-3.5) halka horey looga qaadi jiray ($-1).
-In dadka qaadka iibiya ay kala fogaadaan 2 mitir (sociale Distance).
-In dadka Qaadka ka shaqeeya ay xirtaan galoofiyada gacmaha iyo maskarada Afka si looga hortaga cudurka Coronavirus.
Maamulka Farmaajo ayaan ilaa hadda hadda ka hadlin hadalka ka soo yeeray Guddoomiyaha Beeralayda Qaadka Miraa ee dalka Kenya, Shan bilood ka hor ayey markii DF ay joojisay diyaaradaha qaadka Kenya, waxaana tan iyo xiligaas qaab suuq madow loo soo geliyaa qaadka magaalada Muqdisho, iyadoo lagu keeno doonyo, qiimo kii hore ka qaalisan ayaana lagu kala iibsadaa.