Gabadh Loo Xiray Calanka Somalia

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya xarig sharci darro ah oo Loo geystay Marwo Degan Miiraash oo ah Hooyo dhashay afar caruur leh, kadib markii Xoogaga amaanka Magaalada Hargeysa ay kala baxeeen gurigeeda….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Marwadaan ay todobaadkii 2-aad ku xiran tahay Saldhiga dhexe ee Hargeysa waxaana lagu eedeeyay iney qolka hurdada ee gurigeeda ku sharaxatay Calanka Somalia sawiro ay ka qaadayna ku faafisay baraha bulshada.

Muuqaal Degan kusoo duubtay gudaha jeelka oo laysoo diray ayay ku sheegtay inay markasta ku celcelin doonto ha noolaato Somalia cid wax ka qaadaysaana aanay jirin. Waxaanay sheegtay in lagu eedeyay Qaran dumis.

Mrs.Degan ayaa kasoo jeeda Gobolka Awdal, waxaana la sheegay in Odayaal Dhaqameed ay ku baxeen laga diiday in damaanad lagu soo daayo, Maamulka Muuse Biixi ayaa caburin iyo awood sheegasho ku haya Shacbiga Degaanada Waqooyi Galbeed

52510cookie-checkGabadh Loo Xiray Calanka Somalia