Faahfaahin hordhac ah ayaa lagaa helayaa in qoraal ay soo saareen Maamulka sare ee sii haya Wasaarada Caafimaadka ay qanadaraas ku bixiyeen in ganacsi loo rogo ka ganacsiga Cudurka saf-mareenka ah Covid-19, Qoraalka ayaa ku Tariikheysan 19-kii August, ayaa lagu shaaciyay in shirkado iyo Isbitaalo la siiyay…
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Qandaraaska la siiyay 4-Shirkdood iyo Isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho la siiyay oggolaasho iney ka ganacsan karaan Baaritaanka cudurka saf-mareenka ah ee Covid-19, iyadoo qofkii laga qaadaayo 30-Us$, gaar ahaan dadka socotada ah (dhoofaaya), Talaabadaan ayaa timid kadib markii Wasiirkii 1-aad ee hore uu hor istaagay mashruucaan in Ganacsato la siiyo.
Waxaa la is weydiinaya sida ay kudhici karto in Xukuumad KMG ah ay bixiyo Qandaraas macaash badan laga faa’iidaayo, waxaana warar ay sheegaya inuu ku lug leeyahay bixinta Mr.Farmaajo, isagoo ka faa’iideysanaaya muddo xileedkiisa oo dhamaad ku dhow.