Maxaa ka Jira In Qor qor Garoowe Loo Diray

Somalia news

Kadib markii ay qaadaceen ka qeyb galka Kulanka Dhuusa mareeb-3 Maamulada Puntland iyo Jubaland, isla markaasna dalbadeen in dhinacyada Saxiibada Somalia ay soo dhex galaan isla markaasna damaanad qaad ka qaadaan in wixii horey loogu heshiishiyay fulinaayo iyo kuwa mustaqbalka Mr.Farmaajo ayaa la sheegay in Wakiilada Beesha ay culeys ku saareen Kooxda Dhuusa mareeb iney baadi goobaan Walaalahooda kale…

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay in Ergo uu hormud u yahay Mr.Qorqor uu berito ku wajahan yahay magaalada Garoowe, kadib markii uu ku filnaan waayay Hogaamiye kooxeedka Cabdi Qeybdood oo ergo ahaan loogu diray shalay magaalada Garoowe, Wararka ayaa sheegaya in Kooxda Farmaajo culeysyo badan la saaray taasoo ku khkasabtay iney u nuglaadaan baaqyada Saxiibada Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in khudbadii aan la fiirsan ee uu saq dhexe jeediyay Mr.Qor qor ayuu ku kasbaday dhaliilo badan gudaha magaalada iyo guud ahaan degaanada Galmudug, isagoo loo sheegay inuu ku fududaayay inuu ku degdego talooyinka Mr.Faraamjo oo fashil dhex fadhiya, waxaana loogu baaqay inuu baadi goobo Hogaamiyayaasha Puntland iyo Galmudug.

Puntland iyo Galmudug ayaa shuruud adag oo 4-qodobo ah ku xiray iney ka qeyb galaan Shirka Dhuus mareeb-3 kuwaasoo kala ah:-

Radistii Dowlada Federaalka

Heshiisyadii hore oo aan la hirgelin

Aaminaad la’aanta Farmaajo

Aqalka Sare Oo si ula kac ah loo awood tiray

55390cookie-checkMaxaa ka Jira In Qor qor Garoowe Loo Diray