Koox Dabley Oo Xalay Weerar ku qaaday Wadaad Degmada Garbahaarey

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ayaa laga soo sheegaya Fal baxdin leh oo lagula kacaya xalay Mid ka mid Culumaa’udiinka ku nool magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, kadib markii Gaari uu saarnaa Rasaas lagu weeraray…

Wararka ayaa sheegay in Wadaadkaan lagu magacaabo Sheekh Xuseen Guuleed ay weerar ku qaadeen Dabley hubeysan oo degaanka degan, iyadoo Rasaas loo adeegsaday isku dayga Dilkaasi, sida ay sheegeen ilo wareedyo loo qaateen ah oo degaanka ku sugan.

Ilaa hadda lama yaqaano sababta loogu beegsaday Wadaadka Weerarka, waxaana la sheegay in Gaariga (Land cruiser) uu la socday lagu rasaas badan lagu dhuftay, sidoo kale Dableyda ayaa sidoo kale Masaajidka uu ku baxsaday ay rasaas huwiyeen.

207630cookie-checkKoox Dabley Oo Xalay Weerar ku qaaday Wadaad Degmada Garbahaarey