Is-Rasaaseyn ka Dhacday Barta Kontoroolka ee Madiina Gate Mogadishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn khasaare geystay oo ka dhacay mid ka mid ah Baraha laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Mogadishu, isku dhacaan ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay ilaalada Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka iyo kuwo Barta ku sugnaa…

Wararka ayaa sheegaya in Isku dhacaan uu ka dhacay barta Kontoroonka ee Madina Gate ee Garoonka Diyaaradaha, iyadoo la sheegay iney is-rasaaseyntaasi uu ku geeriyooday hal Askari oo ka tirsan Ilaalada Nabadsugida ee bartaasi ku sugnaa kaasoo magaciisa lagu soo koobay Carabeey.

Isku dhacaani ayaa yimid kadib markii uu muran xoogan uu soo kala dhex galay ilaalada Barta iyo kuwa Xildhibaan Yuusuf Ibrahim Afrax (Y/Kabaale), kadib markii Ilaalada hubeysan loo diiday iney ka gudbaan barta, kaasoo ka yimid wadada Danwadaagta ee Degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir.

236620cookie-checkIs-Rasaaseyn ka Dhacday Barta Kontoroolka ee Madiina Gate Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com