Wakiilada Beesha Caalamka Oo Soo Saaray Baaq

Somalia news

Saaxiibada Somalia ayaa sheegeen in aan la aqbali doonin go’aan ay arrimaha doorashada Somalia ka gaaraan shakhsi ama koox kaligeed shirtay, loona baahan go’aan wadar ogol ah, Waxay kaloo xaqiijiyeen in ay dabagal ku samaynayaan fulinta go’aankii wadar ogol ku soo baxa, Iyagoo ugu baaqay dawlad Goboleedyada maqan in ay shirka ka soo qaybgalaan….

“Saaxiibada Beesha Caalamka waxay si xooggan ugu dhiirigelinayaan madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee aan weli kulanka ku soo biirin inay si toos ah ula xiriiraan dhiggooda hadda jooga magaalada Dhuusamareeb si loo xalliyo wixii arrimo ah oo taagan si ay dhammaantood uga wada qaybqaataan” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka

Sidoo kale Beesha Caalamka waxay mar kale adkeynayeen in isku day kasta oo uu ku kaco mid keliya ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda oo si qasab ah loogu mariyo qaabab doorasho uusan yeelan doonin sharciyad, isla markaana aan laga hirgelin karin, iyadoo aan taageerada lagama maarmaanka ah laga helin dhammaan saamilleyda kale.

55480cookie-checkWakiilada Beesha Caalamka Oo Soo Saaray Baaq