Safaaradaha Somalia ee ka furan Dalalka caalamka qaarkood ayaa xiligaan wajahaaya Dhaqaale yari baahsan, iyagoo la sheegay iney qarka u saaran yihiin iney xirmaan, kadib markii laga jartay qarashaadkii socodsiinta adeega safaaradaha oo bil kasta loo diri jiray….
Qoraal cabasho ah oo ay saxiixeen Danjirayaasha Safaaradaha ayeey u direen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyagoo ka dalbaday in la siiyo qarashaadka adeega ee u baahan yihiin safaaradaha ayaan looga soo jawaabin.
Danjirayaasha iyo Qunsuliyadaha Somalia u fadhiya in ka badan 20-Dal oo warqadan hoos ku xusan u diray Wasiirka Arimaha Dibadda ayey ku sheegeen in shaqooyinka safaaradaha socon la yihiin, waxeyna ku sababeeyeen Dhaqaale la’aan soo food saartay shaqaalaha safaaradaha mudo dhowr bilood ah.
![](https://diinah.com/wp-content/uploads/2020/10/9D2DEC36-6A45-4B74-8CC9-EFA2ABE97C1F.jpeg)
Safaaradahan ayaa sidoo kale sheegay in qarashkii adeegga ama socodsiinta howlaha Xafiisyada sanadkii hore 2019-kii qaarkood ka maqan yihiin ayna hada ugu darsantay sanadkan oo bilooyin badan ka maqan yihiin.
![](https://diinah.com/wp-content/uploads/2020/10/59D290CA-BFA3-4E58-A239-FE883010FF6D.jpeg)