Doon Tahribayaal Siday Oo Ku Degtay Xeebaha Jabuuti

Somalia news

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Xeebaha Dalka Jabuuti laga baadi goobaayo 12-ruux oo tahriibayaal ah lana socday Doon u socotay Dalka Yemen, waxaana Ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 8-ruux oo qaarkood la sheegay in laga tuuray doontii ay la socdeen…..

Wararka ayaa sheegaya in Is qabqabsi uu ka dhex dhashay Tahriibayaasha iyo Naaqudayaasha doonta waxyar kadib markii ay u shiraacatay safar saacado qaadanaya oo ay uga gudbayaan Biyaha Badda Cas si ay u gaaraan Dalka Yemen oo ay uga sii gudbayaan Boqortooyada Sacuudiga.

Afhayeenad u hadashay Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in dadkaan ay la socdeen doon u kireysan 34-ruux, kana baxday xeebaha Jamhuuriyadda Jabuuti, balse dagaal ka dhex dhacay dadka uu sababay in la tuuro Rag iyo Dumar, kadib waxaa sii kordhay doonta oo ugu dambeyn rogmatay.

Dhalashada dadkaan waa Soomaali, Itoobiyaan iyo Eretariyaan sida ay warisay Afhayeenadda u hadashay Hay’adda IOM, muddooyinkii dambe ayay isu diyaarinayeen safarkaan, maadaama Jabuuti ay adkeysan dhaq-dhaqaaqa Xadkeeda Sabab la xiriirta Covid-19.

“Waa ay dagaaleen, muranka ayaa sababay in doonta laga tuuro saddex kamid ah tahriibayaasha oo Rag & Dumar doonta la socday, is qab-qabsiga oo dheeraaday waxa uu sababay in dhinac u ciirto oo ugu dambeyn rogmato (Qalibmato), waxaana ku dhintay 8-ruux, halka la waayay 12-kale oo la raadinayo” Sidaasi waxaa tiri Afhayeenadda u hadashay IOM.

64650cookie-checkDoon Tahribayaal Siday Oo Ku Degtay Xeebaha Jabuuti