Qarax Miino Oo Khasaare geystay ayaa ka dhacay Degmada Dayniile

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax dhaliyay khasaaro kala duwan uu ka dhacay gudaha xarunta degmada Dayniile ee Gobolka Benaadir, iyadoo la sheegay in Falkaani uu yahay kii ugu horeeyay ee ay ka fuliyaan kooxaha argagixisada Shababka gudaha Degmada..

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Qaraxaani uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo ku qaraxy gudaha xarunta, lamana oga ilaa hadda cidda iska laheyd gaariga qaraxa lagu soo xiray, Masuul katirsan maamulka degmada Dayniile ayaa xaqiijiyay qaraxan goor dhow ka dhacay xarunta degmada ,wuxuuna xusay iney jiraan khasaaro ka dhashay qaraxan.

Qaraxaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca gudaha xarunta degmada Dayniile, waxaana horey qaraxyo miino uga dhaceen laamiga dheer ee aada xarunta degmada Dayniile, kuwaa oo lala beegsaday saraakiil iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

231270cookie-checkQarax Miino Oo Khasaare geystay ayaa ka dhacay Degmada Dayniile
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com