Bangiga Dhexe Iyo Bangiyada Gaarka Ah

Business Somalia news

Suuqa ganacsiga Bangiyada & xawilaaddaha (Money Transfer Businesses (MTBs) ee Somalia, ayaa waxa ka furan ganacsi xoog leh oo saameyn toos ah ku leh dhaqaalaha Dalka, sidaas awgeed waxey diiwaangeliyeen islamaraakaana siiyey Ruqsadda howlgelidda 13-Bangi oo u badan bangiyo ganacsi oo gaar loo leeyahay….

Bangiga dhexe ayaa shaaciyey in Bangiyada qaatay ruqsadda shaqada iyo howlgalka ay qaarkood shaqo billaabeen halka qaarkalana iyaga oo haysta Ruqsadda aanay weli howlgelin, sababta lama xusin hayeeshee waxa suuragal ah inay qaateen Ruqsadda kahor iyagoo aan diyaar u ahayn ganacsiga Bangiyada sidaas daraadeedna ay raadinayaan hab ay u billaabaan howsha ganacsiga Bangiyada.

Sagaal Bangi oo kamid ah Bangiyada kadiiwaangashan Bangiga dhexe ayaa kahowlaga Waddanka iyaga oo bixiya adeegga ganacsiga Bangiyada, waxa ay kala yihiin

  1. Premier Bank oo la aas-aasay 2013, ruqsaddana qaatay 2014
  2. IBS Bank oo la aas-aasay 2014, ruqsaddana qaatay isla sanadkaas
  3. Dahabshiil Bank oo la aas-aasay 2014
  4. Salaam Somali Bank oo la aas-aasay 2009
  5. Amal Bank oo la aas-aasay 2000
  6. SomBank oo la aasaasay 2019
  7. Agro Africa Bank oo la aas-aasay 2019
  8. Daryeel Bank LTD
  9. Amana Bank oo la aasaasay 2019.

Bangiyada Ruqsada Qaatay Oo aan Weli Howlgelin

  1. MyBank Limited oo la aas-aasay 2018
  2. Galaxy International Bank (GIB)
  3. Bushra Business Bank
  4. Idman Community Bank oo la diiwaangeliyey 2020.

Bangiyadan ganacsiga ayaa qaarkood  ku guuleystay kobcinta iyo hagaajinta adeegga ganacsiga Bangiyada, waxa ay  kaalin fiican ka qaateen kaabidda ganacsiga yaryar, dhismaha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta hannaaka xisaabaadka dadweynaha,waxa kamid ah Bangiyadaas  Premier BankIBS BankDahabshiil Bank & Salaam Bank,

64700cookie-checkBangiga Dhexe Iyo Bangiyada Gaarka Ah