Maxaa Xiligaan Keenay Qaadista Dhagxaanta Wadooyinka

Somalia news

Xalay ayaa qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdishu laga qaaday qaar ka mid ah Isbaarooyinkii (Dhagxaanta shubka ah) Xaafadaha Iyo wadooyinka lagu xiray muddo 3-sano ka hor, iyadoo lagu ciqaabaayo Shacbiga Magaalada….

Xaafadaha laga qaaday Dhaxgaanta ayaa waxaa ka mid ah, Degmada Wadajir gaar ahaan wadada isku xirta isgoeyska Zoobe iyo Danwadaagaha, iyadoo wadooyinka Jid-cadayaasha soo gala wadooyinkaasi ay yeeleen dhagxaantaasi, inkastoo uusan jirin isticmaalka wadooyinkaasi, iyadoo laga qaaday meelihii ay yaaleen lana geeyay 300-m-500 mitir meel u jirta.

Talaabadaan ayaa lagu fasiray mid aan waxba ka badeleynin dhibaatada lagu hayo Shacbiga Magaalada Muqdishu, waayo inta badan Wadooyinka Magaalada Waa xiran yihiin, iyadoo Siyaasada Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ay ku guuldareysteen iney Amaanka wax ka qabtaan.

Sidoo kale waxaa laga qaaday Xaadafaha Trabunka, Digfer iyo Isgoeyska Sheekh Cali Suufi, inkastoo ay yaaliin biro lagu xiray, lamana oggola Gaadiidka iney maraan wadooyinkaasi.

64750cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Qaadista Dhagxaanta Wadooyinka