Mr.Xuud Oo Booqday Bukaanada Isbitaalada B/Weyne

Somalia news

Waxaa gudaha usoo galay magaalada Baledweyne hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Golaha Samata Bixinta Hiiraan Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) iyo Xoogaga daacada u ah ee Hubeysan, waxeyna ka soo horjeedaan Maamulka looga dhawaaqay Magaalada Jowhar ee Dowlad goboleedka Hir-Shabelle….

Imaashaha Mr.Xuud ee gudaha magaalada Baledweyne ayaa la xiriirtay booqashada dad shacab ah oo dhawaan ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen ciidamo ka tirsan dowlada Somalia xili ay banaanbaxyo ka dhigayeen gudaha Baledweyne wuxuuna ku booqday Isbitaalada ay jiifaan iyo xaafadaha.

Mr.Xuud oo Shirjaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Baledweyne ayaa sheegay iney maxkamad la tiigsan doonaan Saraakiisha ciidamada Militariga iyo kuwa Boliiska Somalia ee ka howlgala Baledweyne iyo waliba madaxda Hirshabeelle oo uu sheegay iney amarka lagu waxyeelayay dadka shacabka ah ee dareenkooda muujinayay “ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka kuraasta Aqalka Hoose ee taala magaalada Baledweyne oo uu sheegay inuu ka digayo in laga wareejiyo kuraastaas magaalada Baledweyne, taasoo ay ku howlan yihiin siyaasiyiin doonaya in la wareejiyo.

“Magaalada Baledweyne waa nabad waana lagu qaban karaa doorashada Kuraasta taala ee Aqalka Hoose, anagana waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb qaadano sugista amaanka waxaana cadeyna iney waxba kama jiraan tahay wararka sheegaya inaan la isku haleyn karin amaanka Baledweyne taasna aay waxba kama jiraan tahay” ayuu yiri Mr.Xuud.

85030cookie-checkMr.Xuud Oo Booqday Bukaanada Isbitaalada B/Weyne