Macluumaad ayaa laga helay Isbedel lagu sameeyay Guutada Danab, kadib markii Taliyihii Ciidanka Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ugu dambeyntii xilka laga qaaday, kaddib markii todobaadyo ka hor shaqo joojin lagu sameeyay, isagoo xabsi Ciidan ugu xiraan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga…
Wararka ayaa sheegaya in lagu bedelay kuxigeenkiisa oo lagu magacaabo G/lle Axmed Cabdulahi Nuur (Beeryare) oo ka mid ahaa Saraakiishii lagu soo tababaray dalka Mareykanka.
Shaqo ka joojinta Taliye Ismaaciil Cabdimaalik ayaa waxaa walaac ka muujiyay Mareykanka oo ka digay in Musuqmaasuqa iyo qaraabo kiil lagu sameeyo arrimaha ciidanka ay dib u dhac ku keeneyso horumarka dib u habeynta Ciidamada, ayna wiiqeyso amniga dadka Soomaaliyeed.
Todobaadyo ka hor ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in Saciid Kampala oo horay u ahaa madaxii Hab Maamuuska Madaxtooyada, Madaxweyne Farmaajo qaraabo la ah in loo magacaabi rabay xilkaas, balse Mareykanka uu diiday, maadaama ciidanka DANAB ay yihiin Ciidan uu Tababaray, isla markaana gunanada iyo qalabeyntiisa uu Mareykanka bixiyo.