Ganacsiga Dekada & Magaalada Boosaaso Oo Maalintii 5aad Xiran

Somalia news

Waxaa albaabada loo laabay ganacsiga magaalada Boosaaso, iyadoo maalintii shanaad uusan jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo ka jira dekeda magaalada kadib markii ganacsatadu ka hortimid go’aankii Maamulka Puntland ku joojisay in Shilin Somali lagu qaado canshuurta kastamka dekedda Boosaaso….

Banaanbaxyo looga soo horjeedo go’aankan ayaa maalmihii ugu dambeeyey ka socday magaalada Boosaaso iyo qaar kamid ah magaalooyinka kale ee Puntland. arrintan ayaa saamayn ku yeelatay guud ahaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga Ee Degaanada Puntland.

Maamulka Puntland ayaa axadii 06/Dec/2020 waxay shaacisay in sarrifka halkii doollar lagu jaan-gooyay 35,000 oo shilin Soomaali ah si loo xakameeyo sicir-bararka, balse go’aankan ayaan wali ka dhaqangelin magaalada Boosaaso.

77490cookie-checkGanacsiga Dekada & Magaalada Boosaaso Oo Maalintii 5aad Xiran