Mas’uuliyiinta Ka Tirsan Hir-Shabelle Oo Lagu Dilay Jowhar

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle isla markaana ahaa Wasiir dowlaha Wasaarada Diinta iyo Owqaafta Nuur  Xaashi Warsame ayaa lagu weeraray caawa magaalada Jowhar iyadoo la sheegay inuu u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray rasaastii lagu ridey….

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaanka uu ka soo baxay masjid ku yaal xaafada Horseed ee magaalada Jowhar, Xildhibaan Nuur Xaashi ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii ugu horeeyay ee lagu aasaasay baarlamaanka Hirshabelle.

Bil ka hor ayaa wasiirkii beeraha dowlad goboleedka Hirshabelle kana mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle Cabdqaadir Abuukar Karaani lagu diley magaalada Jowhar.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana la sheegay in raggii ka dambeeyay dilka wasiiru dawlaha ay goobta ka baxsadeen.

61360cookie-checkMas’uuliyiinta Ka Tirsan Hir-Shabelle Oo Lagu Dilay Jowhar