Wiil Dhalinyaro ah Oo Is-Gubay Kadib markii Lagu Wargeliyay in Dalkiisa Loo Celinaayo

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Fal is-gubid ah oo uu ku kacan Wiil Dhalinyaro ah kana soo Dalka Somalia, kadib markii xafiiska Hey’ada Socdaalka Dalka Qubrus ku war geliyeen in Dalkiisa loo celinaayo, iyadoo Dhalinyarada Ku Dalkaasi ay aad uga naxeen Falkaasi…

Wararka ayaa sheegaya in Wiilkaan oo Da’diisu lagu sheegay 24-sano ayaa afiiska Socdaalka hortiisa Jirigaan Shidaal ah isku shubay kadibna Dab is qabadsiiyay, waxaana u gurmaday Saraakiisha Xafiiska Socdaalka oo Dabkii ka damiyay, iyagoo u qaaday Istibaalka si loo dabiibo dhaawacyada gubashada Jirkiisa, iyadoo aan la ogeyn Xaaladiisa Caafimaad.

Wararka ayaa sheegaya in Wiilkaan uu diidanaa in dib loogu celiyo Dalkiisa, kadib markii loo diiday in la qaabilo codsigiisa magangeliyo doonka, iyadoo Wiilkaan la sheegay in Sanadkii 2021-kii uu codsaday Magangeliyo, warar aan xaqiijin ayaa sheegaya in Wiilkaan uu codsaday in Dalkiisa si iskiis uu ugu laabto, Falkaan ayaa dhacay Todobaadkii tagay.

282760cookie-checkWiil Dhalinyaro ah Oo Is-Gubay Kadib markii Lagu Wargeliyay in Dalkiisa Loo Celinaayo