Kenya & Ethiopia Oo Ku Kulmaaya Xuduuda

Somalia news

Maamulka Uhuruu ayaa shaaca ka qaaday in Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mr.Abiy Ahmed oo Booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah beirto oo Arbaco ah ku tegi doono Xuduuda Magaalada Mooyaale Dalka Kenya, isagoo halkaasi kula kulmi doona Madaxweynaha Kenya….

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Kulanka labada kadib Madaxweyne ay si Wadajir Xariga uga jari doonaan bar kontrol oo Magaalada Mooyaale Ee Gobolka Marsibit laga hor geliyay, isla markaasna ay kulamo la qaadaan doonaan qeybaha kala duwan Ee Bulshada Magaaladaasi oo xiliyadii ugu dambeeyay ay dagaalo dhex mareen.

Isla maalintaasi ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia ay safar ku tegi doonaan Magaalada Lamu oo ku dhow Xadka Somalia, halkasoo laga hirgeliyay dhismaha Dekada cusub, iyadoo Dekadaasi ay isku xiri doonto adeega ganacsi ee Dalalka South Sudan iyo Ethiopia.

77440cookie-checkKenya & Ethiopia Oo Ku Kulmaaya Xuduuda