Qorshaha Dagaal Ee Gobolka Gedo Oo Laga Digay

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay ka socda xarunta NISA kulamo wada tashi ah oo u dhexeeya Saraakiisha Beesha Mareexaan Ee Gobolka Gedo iyo Agaasimaha NISA Fahad Yasin, kulamadan oo loogu diyaar garoobayo duulan iyo qorshayaal was ah oo lagu qaado magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu soo gaaray heerkii ugu dambeeyay…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in Saraakiisha Maleeshiyaadka Beesha Mareexaan ee Gobolka Gedo Uu a hormuudka u yahay Horjooge Cabdullahi Kulane (Jiis-Mareexaan) iyo Horooje Cusman Nuur Xaaji “Macallimu”, ayaa hor dhigay Qorshayaal dhowr ah, Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka iyo Agaasimaha NISA, waxeyna dalbadeen in loo oggolaado iney weerar ku qaadaan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, kadibna u gudbaan Gobolka Jubada Hoose, iyagoo sheegay in unugyo ka tirsan Maleeshiyaadkooda ay ku sugan yihiin gudaha Magaalada Kismaayo.

Guddoomiyaha Gobolka Gede ee Farmaajo, Macallimuu uu maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu maalinta Jimcaha dib ugu laabto gobolka Gedo, si uu u diyaariyo Howlgalo.

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa doonaayo inuu indhaha shacabka Soomaaliyeed laga leexiyo doorashada beelaha Banaadiriga & Gobolada Waqooyi oo lagu wado in aay Muqdisho ka bilaabato 15 bishan December, waxaa la qorsheeyay in weerar dagaal lagu qaado maamulka Jubbaland.

77870cookie-checkQorshaha Dagaal Ee Gobolka Gedo Oo Laga Digay