Maamulka Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Lunsashada Hantida Qaranka

Somalia news

Warbixinta baarista Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in 17 hey’ad oo dowladda federaalka ah ka tirsan oo ay ku jiraan Xafiiska Madaxweynaha, Xoogga dalka, Nabadsugida, Maxkamadaha, Xeer ilaaliyaha iyo dhowr Wasaaradood oo aan xisaab celin laga heyn sanadkii 2019-ka…..

Sidoo kale, waxaa barista Hanti Dhowrka lagu xaqiijiyay in aan xisaab celin loo heyn $1.8 Milyan Dollar, Deeq Daan oo ay bixiyeen Wakiilada beesha Caalamka, iyadoo hey’adaha dowladda Federaalka ah ee la baaray oo ay ku jiraan Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Wasaaraddaha dowladda lagu ogaaday in aan laheyn caddeymaha meesha ay ku baxeen lacago dhan US $5,305,364.48.

Hanti dhowrka Qaranka ayaa soo bandhigay baarista kharashka howl maalmeedka Golaha Shacabka uu isticmaalay sanadkii 2019 oo aan laheyn caddeymo dhameystiran, waxaa baarista lagu ogaaday in la bixiyay lacag dhan $747,865.00 oyadoo aan laheyn caddeymo ku filan

77980cookie-checkMaamulka Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay Lunsashada Hantida Qaranka