Ma Dhabaa in Sheekh Shariif Loo Magacaabayo Xil-Sharafeed

Somalia news

Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, ayaa loo badinayaa inuu aqbalay, in loo magacaabo, Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne u qaabilsan Arrimaha Dib-u-heshiisiinta Qaran iyo wada hadalka Soomaaliya iyo Maamulka gooni u goosadka ah ee Soomaaliland…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Sheekh Shariif, oo Diinah.com news, la xariirtay, ayaa ka gaabsaday in ay xaqiijiyaan jiritaanka arrinkaan, hayeeshee, ilo loo qaateen ah, ayaa warinaya in Madaxweynihii hore aqbalay inuu qaato Mas’uuliyada xilkaasi waliba si mutadawacnimo ah.

Shariif, wuxuu soo noqday Madaxweynihii 7-aad ee Somalia, hadda waa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, wuxuu ka mid ahaa shantii musharrax ee ugu codadka badnaa doorashadii Madaxweynaha ee dhacday 15-kii May 2022, wuxuuna hoggaan u yahay mid ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee ugu miisaanka culus Dalka.

Dhanka kale, sida xoguhu tilmaamayaan, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble iyo Daahir Maxamuud Gelle ayaa dhankooda kuwa jira dadaalo xilal loogu magacaabayo, xilalkaan oo aan weli la shaacan ayaa sheegay in Mr.Daahir lagu wado in loo magacaabo Danjiraha Somalia u fadhin doona Qaramada Midoobay.

190790cookie-checkMa Dhabaa in Sheekh Shariif Loo Magacaabayo Xil-Sharafeed