Abaabulo Ciidan Oo Iska Soo Horjeeda Oo laga dareemay Magaalada Mogadishu

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Abaabul Ciidamo oo iska soo horjeeda ayaa Xalay ilaa aroortii hore ee Maanta laga dareemay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Mogadishu, iyadoo maanta gelinka hore lagu wado in la qabto doorashada Gudoonka Golaha Shacbka…

Xogaha la helaayo ayaa tilmaamaya in kadib markii uu Taliyaha Boliiska uu sheegay inuusan sugi karin Amaanka goobta Doorashada ka dhaceyso, isla markaasna soo jeediyay in dib loo dhigo, ayaa Waxaa shaqo ka joojin ku sameeyay Wasiirka Amniga si KMG ahna u magacaabay Kuxigeenkiisa, talabooyinkaan iska soo horjeeda ayaa horseedi kara qalaalse amni iyo Xasilooni darro.

Ku darsoo iyadoo ay qeyb ka tahay is-jiidjiidkaan garabyada isku haya Siyaasada gudaha, ayaa waxaana 1-may oo ay ku beegan tahay maalintii la dilay Horjooge Aadan Xaashi Ceyrow, waxeyna qorsheynayaan iney falal argoosi ka fuliyaan Caasimada iyo degaanada kale, waxeyna noqoneysaa Sanadguuraadii 14-aad ee markii gantaalo lagu dilay magaalada Dhuusa mareeb Horjoogaha iyo ilaaladiisa.

185500cookie-checkAbaabulo Ciidan Oo Iska Soo Horjeeda Oo laga dareemay Magaalada Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com