Mareykanka Oo Faafiyay Sawirada Duqeynta Jilib

Somalia news

Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika [AFRICOM] ayaa baahiyey muuqaal muujinaaya duqeyn diyaaradaha Drones-ka 10-kii December ku bartilmaameedsadeen Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Shabaab….

AFRICOM oo muuqaalka ku muujisay waxyeelada howlgalka ayaa xustey in weerarkaas dhanka cirka ah lagu dilay sideed khabiir oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida u sameyn jiray waxyaabaha qarxa.

Kirk Smith, taliye ku xigeenka taliska AFRICOM, ayaa rumeysan in beegsigaas uu hoos u dhigayo weerarada ay kooxda ku ekeyso ciidamadda, goobaha dadweynuhu ku kulmaan iyo xulafada kale ee caalamiga.

Duqeyntaas oo Dowlada Federaalka Somalia tibaaxdey in lagu burburiyey warshad qaraxyadda u sameyn jirtay maleyshiyadda hubeysan ayaa ka dhacdey nawaaxiga magaaladda Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Dhanka kale, Horjoogayaasha Kooxda Shabaabka ayaan wali ka falcelin duqeyntaas looga laayey xeel-dheereyaasha mid kamid ah xeeladaha dagaalka jabhadeynta.

78320cookie-checkMareykanka Oo Faafiyay Sawirada Duqeynta Jilib