Digniin Amaan Oo Kenya Soo Saartay

Somalia news

Mas’uuliyiinta Amaanka ee Kenya ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay muujiyaan taxadar badan “maadaama Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan Kooxda Shabaabka ay ka soo talaabeen Xuduuda Somalia, iyagoo gudaha u soo galay Dhanka Kenya…

Sidda laga soo xigtay warbixinadda xagga Amaanka Maleeshiyaadka gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa ku fekereysa in ay fuliso howlgalo dhan ka xagga amaanka iyo Xasiloonida.

Saraakiisha Amaanka ayaa rumeysan in dabley tiradoodu lagu qiyaasay 40- Hubeysan ay gudaha Kenya u soo talaabeen, waxeyna damacsan yihiin beegsashada Degaanada Amuma iyo Hemey kuwaasoo hoostaga ismaamul goboleedka Waqooyi-Bari ku yaala ee Garissa County.

Digniinta taliska Boliiska ayaa kusoo hagaageysa xilli ay soo dhow-yihiin munaasabadaha Ciidaha ee ay dadka Masiixiyiinta ah ugu dabaaldegaan sanadka cusub ee 2021 kuwaasoo 11- iyo 18-maalmood ay ka harsan yihiin.

78460cookie-checkDigniin Amaan Oo Kenya Soo Saartay