Odayaal Ka Deyriyay Xaalada Amaan Iyo Doorashada Ee Somalia

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Kulan wada tashi ah Oo Waxgarad, Aqoonyahanno iyo Odayaal ay la yeesheen Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka Mr.Rooble, iyagoo kala hadlay xaalada kala guurka, Khilaafka ka dhashay Guddiyada Doorashada iyo cabsida laga qabo inuu Dalka cagaha la galo Dagaalo sokeeye….

Xubnahaan oo Ehelada Mr.Rooble u badan, isla markaasna doonayay iney talo ka siiyaan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha culus ee ay maleegeen Mr.Farmajo Iyo Fahad, ayaa waxay kala soo noqdeen deyro iyo cabsi walaac badan ku abuurtay oo ah inuu Mr.Rooble u muuqdo Ina “Dugulux” mdiidin aan kala ogeyn halka la joogo iyo qaabka ay wax u socdaan.

Mid ka mid ah Ergada ayaa sheegay “RW Rooble nooma war wareegin ee waxaa uu nagu yiri “Aniga halkaan waa la i keenay waxaana aqbalay inaan ka shaqeeyo inuu Mr.Farmaajo soo noqdo, waxaana wadaa hawshii la ii keensaday ee ha iga sugina wax kale, laf waliba waxay rabto ha qabsato aniga xiligaan ma awoodo inaan Dalka iyo Dadka dagaal ka badbaadiyo”.

Oday ka carooday Hadalada deel-qaafka ah ee Mr.Rooble ayaa iskudayey inuu ugu caqli celiyo “Laakiin ma ogtahay in aysan jirin reer ahaan cid kale oo aan wax ula noqonno oo aad tahay nin meesha ku jooga magaca Beesha, sida Farmajo uu ugu joogo magaca Beeshiisa oo aad og tahay inta jago ama darajo ee uu reerkiisa siiyey afartii sano ee uu joogay, sidoo kale Fahad oo ka dhasahy beel aan Somaliya ku lahayn degaan muuqda haddana ka muuqata dhammaan hogaanka dalka, maxaa adiga kuu diiday inaad doorkaaga qaadatid, taariikhda waa dhaxal.?”

Mr.Rooble ayaa u muuqda Shaqsi jidbeysan oo xiligii Ubaxa Kacaanka ku jira, ayaa dereemin Mas’uuliyada ka saaran in Dalka iyo Dadka ka badbaadiyo dagaal sokeeye, wuxuuna u muuqdaa shaqsi ku jira riyo maalmeed oo xaalada xiligaan kala guurka ah warba u heynin, waxeyna ka deyriyeen Xaalada Amaan iyo Doorasho ee Dalka.

78500cookie-checkOdayaal Ka Deyriyay Xaalada Amaan Iyo Doorashada Ee Somalia