Qarax Xoogan oo ka Dhacay Magaalada Mogadishu & Boliiska Oo War ka soo Saaray..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo saakay ka dhacay Degmada Xamar Jabjab ee Gobolka Benaadir kaasoo la sheegay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray hal Qof Rayidka ah…

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaan ayaa saarnaa Mooto Bajaaj ay wateen koox hubeysan oo la sheegay iney ka tirsan yihiin argagixisada Shabaabka, waxaana la sheegay qaraxu uu dhacay xili ay ku raad joogeen Xoogaga Amaanka ee Gobolka Banaadir.

War kasoo baxay Boliiska ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku naf waayeen saddex dhagar-qabe ah oo Mootada saarnaa, halka uu dhaawac soo gaaray Qof shacab ah, “Degmada Xamar Jajab, ayaa dhagarqabayal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyadoo lagu raad-joogo ayeey bajaajtii ku qaraxday Waaxda Gen Daa’uud kuna halaagsameen, Halka Qof wadada marayaay uu dhaawac fudud ka soo gaaray iyo Burbur kooban oo soo gaaray guryaha laamiga ku teedsan” ayaa lagu yiri warka.

251650cookie-checkQarax Xoogan oo ka Dhacay Magaalada Mogadishu & Boliiska Oo War ka soo Saaray..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com