Gacan-ku-dhiigle Iraq u Dhashay Oo Dilay Gabar Soomaaliyeed

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia ayaa sheegaya in Dhagar-qabe u dhashay dalka Iraq uu si bareer u dilay Gabar Soomaaliyeed galinkii dambe ee shalay (Axad), iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan dilkaasi…

Wararka ayaa sheegay in (Gabadha) oo magaceeda lagu sheegay Marxuumad Dabaho Cumar, waxeyna xiligaasi ku sii jeeda Maqaayad ay ka shaqeyneysay uu waddada u galay Nin u dhashay dalka Iraq, oo maqaayadaasi ay ka wada shaqeynayeen, kadib markii ay ka diiday inay xiriir yeeshaan, iyadoo oo uu ninkaasi dilka Gabadha u adeegsaday toorey, ayna goobtaasi ugu geeriyootay dhaawacyadii ka soo gaaray tooreydaasi.

Ciidamada Boliiska oo goobtaasi gaaray ayaa bilaabay baaritaanka ku aaddan fal dembiyaadkaasi, maanta ayaana la filayaa inay warbixin ka soo saaraan, Maxamuud Cabdullaahi Bille oo ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkaasi ayaa sheegay in Dahabo Cumar ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ku soo wargelisay in ninkaasi uu dil ugu hanjabay, haddii aanay xiriir yeelan.

168780cookie-checkGacan-ku-dhiigle Iraq u Dhashay Oo Dilay Gabar Soomaaliyeed