Magaalada Muqdishu Oo Ciidamo La Ciirciireysa

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah oo la soo sheegayaa Dhaqdhaqaaqyo Ciidamo oo iska soo horjeeda oo isgoysyada Iyo Degmooyinka Magaalada Muqdishu lagu arkay ilaa xalay, waxaa magaalada Muqdisho soo galay boqolaal Ciidamo ah oo aad u hubeysan, kuwaasoo ka yimid degaano ku yaalla gobalka shabeelooyinka Dhexe iyo hoose, kuwaasoo gurmad u ah Xisbiyada Mucaaradka…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Ciidamadaan ay farsiimo ka sameysteen ilaa 6-qeybood ka mid ah degmooyinka Gobolka Benadir, Ciidamadaan soo galay Muqdisho oo aad u hubeysan ayaa la sheegay in ay wataan gaadiidka dagaalka iyo hub culus iyo mid fududba ilaa haddana lama oga cidda ay sida rasmiga ah uga amar qaataan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inay ku yimaadeen dalab dhanka Xisbiyada mucaaradka ah, islamarkaana la sheegay in ay lagu ilaalin doono dhaqdhaqaaqyo ay maalmahaan Muqdisho ka billaabi doonaan Mucaaradka, kuwaasoo sheegay inay cabsi gelin ammaankooda ah kala kulmeen Xoogaga Amaanka Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo.

Dhanka kale, Ciidamada Dowladda oo ku Hubeysan Gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in la dhigay xaafada Buulo xuuveu, KM-4 iyo KM-5, Isgoyska Zoobe, Ceel Qalow iyo dhamaan jidcadayaasha Xaafadahaasi, waxaana la sheegay iney degan yihiin Xaafadahaasi Madaxeynayaashii hore iyo Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir, waxaana laga cabsi qabaa iney isku dhacaan.

Magaalada Muqdisho ayaa u muuqato in ay lugaha sii galeyso colaad iyo isku dhacyo, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda ay intaan ka sii adkaato, haddii aan xal deg deg ah laga gaarin qabashada doorashada.

79650cookie-checkMagaalada Muqdishu Oo Ciidamo La Ciirciireysa