Maxaa Dowladu Wax uga Qaban La’dahay Baada lagu Qaado Suuqa Bakaaraha..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa gudaha Suuqa Bakaaraha ay yaalaan tiro isbaaro ooDadka lagu dhibaateeyo, iyadoo Ganacsatada bil kasta laga qaadaa dhaqaale loogu magac daray sugida Amaanka cidda qaadaneyso iyo sababta loo qaadayo aan la ogeyn…

Wararka ayaa sheegaya in Baada ay qaadaan Maamulka Degmada Howlwadaag, Iyadoo Ganacsatada iyo Gadisleyda ku eedeynayaan inuu ka dambeeyo kooxaha Hubeysan ee Suuqa Baada ka uruuriyo, iyadoo sidoo kale Kooxda Shababka ay dhinacooda ka wadaan ururinta Baada isla markaasna heshiis lagu wada yahay.

Badi Maamulada Degmooyinka Gobolka Banadır waxay qaadaan tallaabooyin xadgudub bulsho ah, boob lacageed ah hadane lama helo mas’uul la xisaabtama hantida dadka ka badbaadiya, iyadoo tacadiga ka jiro Suuqa Bakaaraha iyo Suuqyada kale ay noqdeen kuwa joogto ah, Maamulka Villa Somalia miyuusan arkin dhibaatada ka taagan Suuqa Bakaaraha.

280370cookie-checkMaxaa Dowladu Wax uga Qaban La’dahay Baada lagu Qaado Suuqa Bakaaraha..