Macluumaad ayaa laga helayaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mr.Axmed Qorqor ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto Magaalada Garoowe, sida ilo wareedyo loo qaateen ah u xaqiijieen Warsidaha Diinah.con news…
Safarka Qorqor ayaa salka ku haya laba arrimadood oo is biirsaday kuwaasoo kala ah;-
-Gudbinta Go’aanka Farmaajo iyo Fahad ee Xiisadaha Ka dhashay Ciidamada Gobolka Gedo iyo Khilaafaadka Guddiyada Doorashada ee lagu muransan yahay.
-Ka qeyb galka xafladda Munaasabada 8-Janaayo sanadguurada 2-aad markii loo doortay Mr.Saciid Dani Xilka Madaxtinimada Puntland.
Xogta Ayaa tilmaamtay in Mr.Qorqor uu u gudbin doono Madaxweynaha Puntland iyo Musharixiinta Mucaaradka in Farmaajo iyo Fahad ay oggolaadeen la kala qeybsado Kuraasta Xildhibaanada Gobolka Gedo iyo Jubada hoose. Heshiiskaan ayaa noqon doona mid uu hareeyo Musuqmaasuq Xoogan maadama Kuraasta qaarkood laga soo xawilaayo Jubada hoose.
Mr.Farmaajo iyo Fahad ayaa si adag u Diiday inuu miiska wada hadalka la fadhiisto Madaxweynaha Jubbaland iyo Xisbiyada Mucaaradka, iyadoo si wada oggol ah looga gudbo is-Mari waaga u dhaxeeya habraaca Doorashooyinka 2020/21.