Tirada iyo Fariisimada Ciidamada Danab oo La Kordhinaayo…

Somalia news

Kadib markii dhawaad ay Dowladda Federaalka iyo Dowladda Mareykanka ku heshiiyeen in la kordhiyo Xeryaha Ciidamada Danab, isla markaasna la dhiso Fariisimo Cusub oo looga dhisaayo Magaalooyinka Baydhaba, Jowhar, Dhuusa mareeb, Beydhabo iyo Mogadishu…

Tirada Ciidamada ayaa la tilmaamay in la gaarsiin doono ilaa 6-Guuto, iyadoo loo diyaariyay in Ciidamadaan ay Farsiimada cusub ka howl geli doonaan si ka madax banaan xarunta dhexe ee Taliska Danab ee Degaanley ee Balli doogle, Mareykanka ayaa sidoo kale balanqaaday in Uruada RRU (Hargeysa) & PSF (Puntland) howlgaladooda la hoos keeni doono Taliska dhexe Qeybta Danab ee Balli doogle.

Ciidamada Danab ee Somalia ayaa ah ciidamo aad u tababaran oo ka tirsan Kumaandooska ee Xoogga Dalka, Howlgalada iyo duulanada ay ka geysanayaan meelaha lagu tuhmaayo Kooxaha Argagixisada ayaa si kedis a ugu duula si gacanta ugu dhigaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka.

Wararka ayaa sheegaya in hadafka loo dhisaayo Fariisimadaan ayaa lagu sheegay in Guuto kasta Degaanada ay joogaan ka howlgalaan si loo yareeyo baahida iyo gurmadka markasta loogu yeero Taliska Ciidamada Danab ee Balli doogle, iyadoo Heshiiska is-afgaradka ee lagu dhisaayo Fariisimadaan ay ka turjumeyso kalsoonida lagu qabo Mustaqbalka waxqabadka Qeybta Danab ee xoojinta Amaanka Dalka.

309010cookie-checkTirada iyo Fariisimada Ciidamada Danab oo La Kordhinaayo…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com