Maxaa ka Run ah in Horgalada Maleeshiyaadka Laascaanood ay ka Baxsadeen

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in 2-Horgale ee ka soo Jeeda Beesha Dhulbahante kuna heystay tiro badan oo Maleeshiyaad ah ayaa la soo sheegayaa iney ka tageen tiro badan oo Dabley ah kuwaasoo ku biiray Xoogaga hubeysan ee SSC kuna sugan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool…

Xogtaan ayaa sheegtay in Horgalayaasha kala ah Fool Hawiye iyo Mahad Cambaashe oo Maleeshiyaad badan oo u dhashay Beesha Dhulbahante islamarkaana ka gunnooyin qaadan-jiray Maamulka Somaliland ayaa sida la xaqiijinayo ku biiray Ciidamada SSC ee ku sugan gudaha Laascaanood.

Wararka ayaa sheegay in ka badan 800 askari oo ay kala maamuli jireen Horgalada Fool Hawiye oo ay baxsadeen 600 oo Dabkey ah halka la sheegay in Mahad Cambaashe ay ka baxsadeen 200, dhacdadaani kadib ayaa Maamulka Muuse Biixi u yeeray labada Horgale iney deg deg ku soo galaan magaalada Hargeysa si wax looga weydiiyo Hubka iyo Gadiidka ay la baxsadeen Xoogagaasi.

239940cookie-checkMaxaa ka Run ah in Horgalada Maleeshiyaadka Laascaanood ay ka Baxsadeen