Share the post "Ma Dhabaa In Horjoogihii Xoogaga Hubeysan Ee Mucaaradka Uu Dowladda Ku Biiray"
Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya kulan dukeedka Magaalada Mogadishu ay ku yeesheen Agaaaime ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdinur Maxamed Axmed iyo Saraakiil Ciidamo oo Xisbiyada Mucaaradka taageersan as kuwaasoo Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal ku heysta afaafja Hore Ee Waqooyiga Magaalada Mogadishu….
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kulankaan ay soo wada qabanqaabiyeen Imaamki Hore Ee Abgaal Maxamed Yuusuf, Ra’iisul wasaarihii Hore Cali Maxamed Geedi iyo Agaasimaha Wasaarada Gaadiidka Maxamed Cusmaan (Dhagaxtuur), Waxaa la sheegay in Kulankaasi uu ka qeyb galay G/kore Saneey Cabdulle oo Xoogag Hubeysan ku heysta duleedka Muqdisho.
Agaasime Cabdinur oo kulankan wakiil uga ahaa Madaxweynaha ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray sidii Col. Saneey Cabdulle looga dhaadhicin lahaa inuu taageero Dowladda Federaalka, islamarkaana uu joojiyo wararka lagu xaminayo ee ah inuu u janjeero mucaaradka, isagoo loo balanqaaday Darajo iyo Dhaqaale, iyadoo sidoo kale Mr.Dhagaxtuur loo balanqaaday inuu Xildhibaan iyo Senator midkood noqdo, hadii uu Saney soo xero geliyo.
Mr.Saneey Cabdulle ayaa oggolaaday inuu in Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal oo isaga taageersan ay ku biiraan Ciidamada Dowladda Federaalka, isla markaasna uu sii Maamulo dhaqaalaha ka soo xarooda Canshuuraha ay ku qaadaan Duleedka waqooyiga Magaalada Mogadishu.
Saneey Cabdulle ayaa marar badan diiday qorshe ay madaxda DF u soo bandhigeen oo ku aadan inuu soo xareeyo ciidanka iyo hubka uu ku heysto deegaanka Ceel macaan ee duleedka Muqdisho, wuxuuna ku heyb yahay Agaasimaha Wasiirada Gaadiidka Mr.Dhagax Tuur iyo Ex Imaamkii Hore, waxaana la sheegay iney culeysyo ku saareen Mr.Saney inuu ku biiro Maamulka muddo xileedkiisu dhamaadka yahay.