Midowga Musharixiinta Oo Eeda Dagaalka Gedo Dusha U Saaray Farmaajo

Somalia news

Golaha Midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa Mr.Farmaajo ku eedeeyay dagaalka kasoo cusboonaaday degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxeyna uga digeen inuu joojiyo dhiiga Dhalinyarada uu daadinaayo…

Qoraal kasoo baxay Musharixiinta oo loogu talogalay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in ciidamada ku dagaalamay Beledxaawo ay yihiin ciidamo Soomaaliyeed, Mas’uuliyada uu qaadayo Mr.Farmaajo oo mar kasta diidan in xal laga gaaro arrinta Gobolka Gedo, waxay sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin inaysan dowladda Federaalka wadin wax dhaqdhaqaaq ah oo xal loogu helayo doorashada khilaafka ka taagan yahay si loo qabto Doorasho xilligeeda ku dhacda.

89910cookie-checkMidowga Musharixiinta Oo Eeda Dagaalka Gedo Dusha U Saaray Farmaajo