Diyaarad Ay Ciidamada Cirka Kenya Leedahay Oo Burburtay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarad kuwa Xamuulka Ee Ciidamada Cirka Kenya oo nooceedu yahay Harbin Y-12 ayaa la sheegay iney ku burburtay duleedka Magaalada Voi ee Is-Maamulka Konfurta Kenya ee Taite-taveta…..

Sida laga soo xigtay Warbaahinta gudaha Kenya, ayaa lagu sheegay in diyaaradaan ay ka soo duushay garoonka diyaaradaha Ee Ciidamada Kenya oo ku yaal xaafada Islii ee Magaalada Nairobi, Diyaarada ayaa lagu waday iney Magaalada Mombasa ka soo qaado Taliye kuxigeenka Ciidamada Kenya Gen.Levi Mghalu.

Diyaarada ayaa la sheegay iney saarnaayeen 4-qof oo uu ku jiro Duuliyaha (Gashanle iyo Dhamme ) diyaarada, waxaana la sheegay in dhamaan ay ku geeriyoodeen shilkaasi, Diyaarada ayaa ku dhacday buur bariga Tsavo, waxaana ka kacay dab si ay sheegeen Dadka degaanka.

86690cookie-checkDiyaarad Ay Ciidamada Cirka Kenya Leedahay Oo Burburtay