Mas’uuliyiinta Maamulka Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Somalia ayaa laga soo xigtay iney si hoose u sheegayaan inay lumiyeen Kalsoonidii iyo aaminaadii iyo ay ku qabeen Ciidamada Amisom Qeybta Kenya ee ku sugan Gobolada Gedo Iyo Jubada hoose ee dalka Somalia….
Qoraal dheer oo ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibada Somalia oo looga hadlay go’aankii ka soo baxay guddigii dhax-dhaxaadinta ee Urur gobolleedka IGAD u saartay khilaafka Somalia iyo Kenya ayaa qeyb ka mid ah lagu sheegay in dowladda Federaalka lumisay kalsoonidii ay ku qabtay ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
‘Dowladda Federaalka waxey lumisay kalsoonidii ay ku qabtay in ciidanka Kenya qeyb ka yihiin dadaalada la doonayo in dib loogu soo celiyo nabadda iyo deggenaashaha Somalia’ ayuu lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha dibadda Somalia.
Khilaafka labada dowladdood ayaa cirka isku shareeray wixii ka danbeeyay weerarkii dhawaan ka dhacay degmada Beled-Xaawo oo dowladda Somalia ay rumeysan tahay in ay ku lug laheyd Kenya iyada oo gacan siineysa ciidanka Jubbaland ee weerarka soo qaaday.
Dowladda Somalia ayaa sheegtay in Kenya ay joogitaankeeda Dalka uga faa’iideysaneyso inay sare ugu sii qaaddo danaheeda Qaran ee gaarka ah ee ay ka leedahay degaanada ay ku sugan yihiin.
Lama oga jawaabta ay dowladda Kenya ka bixin doonto war ka soo baxay dowladda Federaalka ee ka dhanka Ciidamada Kenya ka jooga Gobolada Konfurta.