Biyo-xireen loogu tala galay inuu yareeyo Fatahaada Webiga Shabelle oo laga Hirgeliyey Beledweyne..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laga hirgeliyay biyo-xireen weyn oo la filayo inuu yareeyo dhibaatada fatahaadda uu webiga Shabelle u geysto magaalada…

Wararka ayaa sheegay in Biyo-xireenkaan oo loogu magac-daray Kiliga Waraaboole ayaa waxaa maalgelisay Dowladda Norway, waxaa muddo dheer qaatay in Dadka Baladweyne ay helaan biyo-xireen ay ku xasilaan si uu ugu yaraado welwelka fatahaadda Wabiga Shabeelle ay ka qabaan.

Waxaa aad loola socdaa tijaabada lagu sameynayo biyo-xireenka cusub ee laga hirgeliyay Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan, Qaar kamid ah xubnaha Guddiyada Xaafadaha Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in muddo 9 cisho oo tijaabo ah uu biya-xireenku maray iyada oo aanay wax fatahaad sameyn si loogu kala yareeyo biyaha xad-dhaafka ah ee Wabiga.

250921cookie-checkBiyo-xireen loogu tala galay inuu yareeyo Fatahaada Webiga Shabelle oo laga Hirgeliyey Beledweyne..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com