Ururka Ictisaam Oo Qabanqaabinaya Kulan Lagu Taageero Farmaajo

Somalia news

20-kii sano Ee ugu dambeysay Dalka Somalia, waxay la daalaa dhaxeysay dhaxalkii iyo dhalaankii u dhalay Ex-ururkii Itixaad Al Islaami (Al-Ictisaan) ee Shabaab iyo Daacishta Somalia. Xubnaha Ururkaan ayaa lagu xantaa iney xiriiHogaanka u haya ayaa xiriir hoose la leh Horjoogaha Hogaanka Villa Somalia…

Waxaa warar soo shaac baxaaya ay sheegayaan in Wadaadada Hogaanka u haya Ururkaan oo ka tanaaday Taageerida Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, ayaa qorsheynaaya iney qabtaan Kulan balaaran dhowaan oo lagu Taageeraayo Maamulka Villa Somalia.

Kulankaan Beecada ah oo ay qabanqaabadiisa ay wadaan Wadadada Bashiir Salaad iyo Cali Wajiis, ayaa lagu wadaa iney ka soo qeyb lahaa Xubno ugu sareeya Ururkaan oo ku kala sugan Magaalooyinka Hargeysa, Garoowe, Nairobi iyo Dubai, Sidoo kale waxaa lagu wadaa iney ka soo qeyb galaan Dr.Cali Maxamed Saalax Sheekh Mustafa iyo Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali iyo xubno kale.

Dhaqaalaha ku baxaaya Kulankaan ayaa la sheegay in Adeege Fahad Yaasin oo ka tirsan Ururkaan uu ku amray in Maamulka Gobolka Benadir ay bixiyaan, iyadoo lagu wado iney taageeraan dib u soo Doorashada Mr.Farmaajo.

91140cookie-checkUrurka Ictisaam Oo Qabanqaabinaya Kulan Lagu Taageero Farmaajo