Xaraashka & Boobka Dhulalka Danta-Guud oo si Xowli ah uga socda Hargeysa Somaliland..

Somalia news

Cudurkii Dhulalka Danta guud ee Boobka lagu oo horey caan ugu aheyd Magaalada Mogadishu ayaa haatan ku faafay magaalada Hargeysa, Maamulka Muuse Biixi uu dhex dabaalanaayo Khilaaf Beelaha ah, Qalalaase siyaasadeed, Dhaqaale iyo mid Amni, tan iyo markii ay bishii Febaraayo ee sanadka ay ku qaaday duulaanka magaalada Laascaanood..

Wararka ayaa sheegaya in xaraashka/Boobka dhulalka danta-guud iyo goobaha kale ee laga dhaxlay Dawladdii Ciidamada gaar ahaan Dhulalkii Boliiska, Garoomo Ciyaareed (Basket) iyo kuwo kake oo ku yaala Hargeysa ayaa Madaxtooyada Somaliland si ba’an u wadaa xaraash, iyadoo gacanta loo geliyay Ganacsato kasoo jeeda Qoyska hoose ee Muuse Biixi.

https://fb.watch/nDg_g_mu5m/

Somaliland ayaa horey u diiday iney ku howlan tahay xaraashka dhulalkaan, balse arrinta ayaa banaanka u soo baxday kadib markii maalmo ka hor uu Hargeysa ka dhacay iska hor-imaad u dhexeeya Xoogaga Amaanka iyo Dad danyar ah oo deganaa dhul dan-guud oo MW Biixi u saxiixay Ganacsato qaraabo la ah, sidoo kalena baraha bulshada lagu faafiyay waraaqo lagu amrayo baneynta dhulkan.

Biixi ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in dhaqaalaha kasoo xarooda xaraashka dhulalka Maamulka la gelin doono dagaal dib ay Somaliland ugu qabsanayso Laascaanood, kaasoo aan la ogeyn sida uu u suuroobi doono, Dhinaca kale, maamulka dhaqaalahan ayaa eedo badan dul hoganayaan, waxaana jira cadeymo muujinaya in akoono gaar ah oo dalka dibeddiisa uu ku leeyahay Muuse Biixi lagu shubay inta badan lacagtan.

281480cookie-checkXaraashka & Boobka Dhulalka Danta-Guud oo si Xowli ah uga socda Hargeysa Somaliland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com