Waxaa soo shaac baxaaya Mugdi hareeyay wada Hadaladii xalay burburay una dhaxeeyay Dowladda xil gaarsiinta iyo Midowga Musharixiinta, kaasoo soo bilawday 25-kii Febaraayo 2021 ayaa saddex jeer toos waxaa u kulmay Xubnahaan muddada todobaadka ah….
Dibadbaxa Musharixiinta oo wadahadalka & khilaafka saameynta siyaasadeed dheliyay salka u ah ayaa heerar kala duwan loosoo maray, waxaana 19-kii Febaraayo 2021 kadib markii saq dhexe usually Ciidamada Dowladda ay weerar ku qaadeen Hoteel u dhaw Madaxtooyada oo ay degeen saddex Musharax oo dalka Madaxweynayaal & Guddoomiye Baarlamaan kasoo noqday.
Farta ku Godan Daacdnimada Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday dhanka wada hadalada ayaa la isla qiray in xiligaan aysan diyaar u aheyn iney oggolaadaan in Banaanbaxyo looga soo horjeedo ay si nabad ah u dhacaan.
Waxaana maanta agagaarka Wadooyinka soo gala Taalada Daljirka dahsoon la soo dhigay Ciidamada NISA iyo Mileteriga ka tirsan kuwaasoo Dadka iyo gaadiidka u diidaaya iney isticmaalaan, waxeyna muujineysaa in banaanbaxa la Qorsheeyay berito inuusan dhici doonin.