Qodobada Khilaafka Dhaliyay Kulankii Xalay

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Qoddobada Khilaafka dhaliyay dooda kulankii ay xalay Midowga Musharixiinta la yeesheen Wasiirka 1-aad ee xil gaarsiinta waxayna ka koobnaayeen:-

– In madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday uu qoro dikreeto uu ku cadaynayo in mas’uuliyadaha iyo go’aanada amniga iyo doorashooyinka uu faraha kala baxo.

– Si loogu kalsoonaado amaanka dalka iyo kan doorashooyinka in ciidanka laga saaro siyaasada, lana bedelo ama ugu yaraan shaqada laga joojiyo taliyayaasha ciidanka ee qaybta ka ahaa weerarkii 19 Febraayo, kuwa cusubna laga saxiixo in ay siyaasada faraha kala baxaan.

– In la furo masaaxada siyaasada oo aan cidna idan looga qaadan kulamada, dibadbaxyada, abaabulka kale ee ololaha doorashooyinka, warbaahinta qarankana loo sinnaado.

– In la cadeeyo ka qaybgalka Midowga ee wadahalada doorashooyinka.

Burburka Kulanka xalay iyo Ciidamada Hubeysan oo la dhigay Wadooyinka soo gala Taalada Daljirka dahsoon ayaa muujineysa in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu soo saari doono go’aan lagu joojinaayo Banaanbaxyada qorsheysan ee barito lagu wado iney ka dhacaan Magaalada Mogadishu.

99630cookie-checkQodobada Khilaafka Dhaliyay Kulankii Xalay