Taageerayaasha Farmaajo Oo Soo Saaray Qoraal Been Abuur Ah

Somalia news

Khilaafka u dhaxeeya Rooble & Farmaajo oo gaaray heerkii ugu hooseeyay, Ayaa Taageerayaasha Farmaajo waxey soo diyaariyeen Qoraal been abuur ah oo loo ekeysiiyay iney ka soo baxday Xafiiska Wasiirka 1-aad ku dalbanaayo dhaqaale, talaabadaan oo lagu tilmaamay dacaayad raqiis ah…

Qoraalkaan oo ku socota Bangiga Dhexe, iyadoo Xafiisyada Rooble uu ku dalbanaayo in lagu soo wareejiyo lacagtii UAE Ee lagu qabtay garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu bishii April 2018-kii, taasoo dhameyd 9,6 Millions US$, lacagtaan oo ku keydsan Bangiga Dhexe.

Afhayeenka Ra’iisalwasaaraha Mr.Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ku tilmaamay warqad been abuur ah, isagoo si cad u sheegay in Qoraalka Baraha Bulshada lagu wareejinaayo ay tahay mid been abuur ah taasoo la doonaayo in Shacbiga Soomaaliyeed lagu jahwareeriyo “ Ha ku kadsoomin, waxba kama jiraan Beeni raad ma Leh”.

141600cookie-checkTaageerayaasha Farmaajo Oo Soo Saaray Qoraal Been Abuur Ah